+252 63 3050 571 EN

Somaliland oo hore u ahayd maxmiyad ingiriis ah, waxay xornimada ka qaadatay Ingiriiska 26 June 1960. Waxay ku biirtay Soomaali Talyaaniga 1dii Luulyo 1960-kii si ay u samaysato Jamhuuriyadda Soomaaliya. 18-kii May 1991-kii ayay ku dhawaaqay in ay ka go'day Soomaaliya si ay u dhisto Jamhuuriyadda Somaliland. Tan iyo markaa dal ahaan ayay u kobcaysay, inkastoo aany beesha caalamku aqoonsan waxay ay ku guulaysatay inay ilaaliso xasiloonida iyo nabadda. Dalku wuxuu leeyahay dawlad madax-banaan oo qabta doorashooyin dimuqraadi ah oo muwaadiniinta oo dhami ay xaq u leyihiin inay wax doortaan. Si kasta oo ay Somaliland horumar ballaadhan u samaysay soddonkii sannadood ee u dambeeyay waxa ay fursad u haysataa in ay horumariso ku dhaqanka sharciga ee dalka. 

Waxa aanu samayna karnaa in aanu dawladda iyo hay’adaha dawladda kala talino horumarinta iyo taabo-gelinta ku dhaqanka sharciga ee dalka