Xuquuqda lahaanshaha
garaadka (IPRs) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qaab-dhismeedka sharci ee qaran
kasta. Waxaan siinaa hindisayaasha iyo milkiilayaasha hantida garaadka hab
sharci ah si ay u ilaashadaan hindisahooda, ikhtiraacooda, iyo fikradahooda kuwaas
aan isticmaalkooda loo ogolayn cid kale amar la’aan. Somaliland, ma jiraan
shuruuc gaar ah oo lagu maamulo Xuquuqda lahaanshaha garaadka (IPR), balse
dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa ilaalintooda iyo dhaqangelintooda.
