|
Qaar badan oo ka mid
ah awoodaha sharciga ayaa leh nidaamka horumarinta xirfadeed ee joogtada ah
(CPD) iyo qareenadu waa inay dhammaystiraan tiro cayiman oo saacadood oo
tababar CPD ah sannad kasta. Ujeedada helitaanka CPD waa in la hubiyo in
qareenadu ay la socdaan horumarka sharciga ee la xidhiidha xirfadahooda. Waxa
aanu ku dhiiri galinaynaa qareenada Somaliland in ay sanad walba dhamaystaan
tabobar dhinaca sharciga ah oo ay siiyaan tababaro la xidhiidha shuruucda
kala duwan oo ay ka mid yihiin.
|
