+252 63 3050 571 EN

Ma doonaysaa inaad ganacsi ka samaysato Somaliland? Ma u baahan tahay shatiga ganacsiga ama inaad cusboonaysiiso shatigaaga? Ma kugu yar yahay wakhtigu ama ma ku wareersan tahay habraacyada samaynta shirkadu? QB legal ayaa kaa caawin kara.

Haddii aad tahay qof Somalilander ah, ama qof Soomaali ah oo dibadda ka yimi ama qof ajnabi ah oo ganacsi ka furanaya Somaliland, waxa aanu ku fududin karnaa hawshan. Waxaanu bixinaa adeeg dhamaystiran oo daboolaya wax kasta laga bilaabo helitaanka shatiga ganacsiga, ka caawinta furitaanka xisaabaadka bangiyada, diyaarinta dukumeentiyada muhiimka ah (tusaale ahaan qorshaha ganacsiga, heshiisayada is-af-garaka, heshiiska adeega, heshiisyada iskaashiga) ilaa talo bixinta sharciga maalgashiga Somaliland.

Waxa aanu ka caawin karnaa helida fiisayaasha ajaanibka, shaqaalahooda ajaanibka ah iyo qoyskoodaba waxaanan kala talin karnaa habraacyada furshada ganacsig]yada ee Hargeysa iyo wixii ka dambeeyaba.

Shaqaalahayagu waxay kugu meteli doonaan xafiisyada dawladda iyaga oo ku hadlaya magacaaga ama adiga oo la socda meelaha joogitaankaaga loo baahan yahay