Somaliland waa wadan
xasiloon oo ku yaala Geeska Afrika. Si degdeg ah ayay u horumaraysaa waxayna
leedahay fursad weyn oo maalgashi.
Shirkadda DP World ayaa
dhawaan ku guulaysatay heshiis 30 sano ah oo ay ku maamulaysay dekedda Berbera.
Iyadoo la doonayo in dekedda lagu maalgeliyo lacag dhan 442 milyan oo dollar,
waxa ay u badan tahay in goobtaasi ay ka faa’iidaysato mashruucan.
Shirkadda Genel Energy
ayaa gobolka ka baadhaysa Shidaalka iyada oo badhtankeeda laga baadhayo meel
100km u jirta dekedda Berbera waxa si fudud looga heli karaa badda cas iyo
meelo ka baxsanba.
Horumarradan iyo
maal-gashiyadan u dambeeyay ee Somaliland waxay abuureen fursad maalgashi oo
dhinac walba ah.
